02
Jun
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Yaasiin Saalah iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdimajiid Samatar Jaafaan ayaa Dekeda Magaalada Bosaaso Ku Soo Dhaweeyey Guddiga howlaha Guud ,Ganacsiga iyo Kaabashayaasha Dhaqaalaha Gollaha Wakiilada Dowladda Puntland
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Yaasiin Saalah iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdimajiid Samatar Jaafaan ayaa Dekeda Magaalada Bosaaso Ku Soo Dhaweeyey Guddiga howlaha Guud ,Ganacsiga iyo Kaabashayaasha Dhaqaalaha Gollaha Wakiilada Dowladda Puntland oo uu hogaaminayey Xil. Aways Maxamed Sardheeye Iyagoona kurmeer ku tagay qaybaha kala duwan ee dekada Halkaas oo ay kasocotay Shaqo baaxad leh oo ah Dejinta iyo Raridda Badeecadaha Kala duwan.
Ugu Dambaynti Guddiga ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekadaha iyagoona Ka dhagaystay Warbixino Ku Saabsan Waxqabadka Wasaaradda , Qorshayaasha U Degsan Iyo Caqabadaha Soo Wajahay.



