10
Apr
Wasiir ku-Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Dekadaha oo maanta Xilka ku wareejiyey Wasiir Ku-Xigeenka Cusub
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Dekadaha Dowladda Mudane Yaasiin Cartan Maxamed ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Mudane Qaasim Maxamed Yuusuf.Xil-wareejinta oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Mudane Ahmed Yaasiin Saalax Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dekedaha , Guddoomiyaha Gobolka Bari , Duqa Degmada Bosaaso , Taliyaha Qeybta Gobolka Bari iyo Masuuliyiin Kale Oo Dowladda ka tirsan




