Welcome to Ministry of Marine Transportation and Ports

Shir looga hadlayey Amniga Guud ee Puntland

03 Dec

Shir looga hadlayey Amniga Guud ee Puntland

BOOSAASO-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka badda , Dekedaha yo Ka hortagga Dembiyada Badda Dowladda Puntland mudane #Maxamed_Cabdi_Cisman (Majiino) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda md Yaasiin Cartan ayaa kaga qayb galay Magaalada Boosaaso Shir looga hadlayey Amniga Guud ee Puntland.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, qaar kamid ah Golaha Xukuumadda , Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Agaasimayaasha PSF, PMPF, PISA iyo saraakiil kale.
Ugu danbaytii shirka oo muddadi uu socday looga hadlay Xaladda guud ee Amniga Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa ku soo dhamaday guul.