Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Mudane Abdimajid Samatar Jaafaan ayaa Xarrunta Wasaaradda Ku qaabilay Masuuliyiin Ka socotay Hay’adda EU-CAP
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Mudane Abdimajid Samatar Jaafaan ayaa Xarrunta Wasaaradda Ku qaabilay Masuuliyiin Ka socotay Hay’adda EU-CAPKulankaan ayaa intii uu socday Qodabadii looga wada hadalay waxaa kamid ah1 : In Hay’adu Wada Shaqayn buuxda kala samayso Wasaaradda Sugidda iyo Xaqiijinta Amniga Xeebaha , Ka hortaggida Dembiyada Badda Iyo Yaraynta Khataraha soo Wajahada Gaadiidka Badda intay ku guda jiraan Safarada Dhinaca Badda ah2: Hormarinta Iyo Isku Xirka Xeebaha Dowlada Puntland 3: Kor u qaadidda Tababaradda Ciidamada Dekeda iyo Shaqaalaha Wasaaradda. Ugu Dambaynti kulanka ayaa ku soo Dhamaaday Jawi Wanaagsan iyo isfahan. ==== DHAMAAD====Xafiiska Warfaafinta & Wacyigalinta Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland




