Welcome to Ministry of Marine Transportation and Ports

Wasiirka oo ka qaybgalay Xarig ka jarka Waddo laami ah oo dhexmarta suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo

30 Nov

Wasiirka oo ka qaybgalay Xarig ka jarka Waddo laami ah oo dhexmarta suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo, November 30,2021:-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda , Dekedaha iyo Ka hortagga Dembiyada Badda DPL Mudane Maxamed Cabdi Cisman (majiino) oo ay Wehlinayaan Wasiiro ka tirsan DPL, maamulka Gobolka iyo maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa si wada jir ah xariga uga jarey waddo laami ah oo dhexmarta suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo waxayna Waddadaan qeyb ka tahay mashaariicda Hormarinta maamulka Degmada uu ka hirgishay magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay ayaa kormeer qeybaha kale duwan ee Suuq weyn ee Magaalada Gaalkacayo.