Welcome to Ministry of Marine Transportation and Ports

Dhagax dhiga wadada sodonka- Baalade

07 Dec

Dhagax dhiga wadada sodonka- Baalade

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka badda ,Dekadaha & ka Hortagga Dembiyada Badda Mudane Senator #Maxamed_Cabdi_Cisman (Majiino) ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Dhagax dhigga Wadadda jidka soddonka Ee Dhanka Baalade laguna magcaabo Galbeedka Dekedda Bosaaso (Westren ByBass).
Waxaa horay loo dhisay waddada Bariga Dekedda Boosaaso (Eastern Bypass).
Ujeeddooyinka iyo Adeegsiga ugu waaweyn ee labadan waddo ee Bariga iyo Galbeedka Dekedda ayaa ah in Gaadiidka raran ee ka baxa Dekedda iyo kuwa soo gelaya ay helaan waddooyin furan isla markaana Culayska laga yareeyo waddada xuddunta u ah magaalada Boosaaso (Bosaso Main Road ).
Xafladda Dhagax dhiga ayaa waxa ka soo qeyb galay qeybo ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Duqa Degmada bossaso, Ganacsato Iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda.